Maraykanka oo Cunaqabateyn horleh saaray Bangiyada IRAN

Published: October 9, 2020

Dowlada Maraykanka ayaa xayiraad dul-dhigtay 18 kamid ah Bangiyada wadanka Iran, arrintan oo qeyb ka ah cadaadiska xukuumada Trump saareyso wadankaasi kahor intaan la gaarin doorashada Maraykanka ee dhici doonta bisha soo socota.

Xoghayaha Maaliyada xukuumada Maraykanka Steven Mnuchin, ayaa sheegay in qorshahooda yahay inay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Iran illaa inta uu dalkaasi ka joojinayo Barnaamijkooda Nukliyeerka iyo taageerada uu dalkaasi siiyo kooxaha argagaxisada, waa siduu hadalka u dhigayee.

Xayiraadan la-saaray Bangiyada Iran ayaa ah in hay’ada dhaqaalaha Iran laga hor-istaago helida lacagta Dollarka Maraykanka ee wax looga kala iibsado suuqyada caalamka.

Maraykanka ayaa horey cunaqabateyn u saaray Laamaha kala duwan ee dowlada Iran, Militariga iyo Warshadaha dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Javad Zarif, ayaa ku sheegay tilaabadan mid xaasadnimo ah oo uu Maraykanka doonayo inuu ku dhibaateeyo shacabka reer Iran, waana fal ka dhan ah xaquuqda-aadamaha ayuu yiri Md.Zarif.

Dowlada Iran ayaa sheegtay inaysan u joojin doonin cadaadis-kasta oo uga yimaada Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *