Raysal Wasaare Rooble Oo Kormeer Ku Tagey Cisbitaaladda Dowladda Ee Muqdisho

Published: October 11, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqasho ku tagey qaar kamid ah Isbitaallada dowladda ee ku yaalla magaalada Muqdisho

Ujeedka booqashada raysal wasaaraha ayaa ahayd u kuurgalida adeegyada caafimaad ee ay cisbitaaladaasi u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed

Raysal Wasaare Roobe oo tagey Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa maamulkooda ka dhegaystay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu gacan ka siiso.

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo dhakhaatiirta shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay sii xoojiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *