Faahfaahin: dagaalkii Afgooye ee Ciidamada Dowladda iyo al-Shabaab.

Published: October 16, 2020

Ilo kala duwan ayaa sheegaya dagaal aad u xoogbadan oo gelinkii danbe shalay ka dhacay meel ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu diley ugu yaraan 18 askeri oo ka tirsanaa ciidanka SNA, sidoo kale waxaa weerarkaas ku geeriyoodey taliyihi watey ciidanka.

Marka weerarku dhacay ayaa ciidamadu ku jireen roondo, waxaana weerarku ku qabsadey tuulada Bullalow ee duleedka Afogooye.

Taliyaha ciidanka watey ayaa magiciisa lagu sheegay Gaashaanle dhexe Cabdalla Cali Mire.

Dhanka kale wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONA ayaa sheegaysa in dagaalkii duleedka Afgooye ka dhacay lagu diley ku dhawaad 50 malayshiyaadka al-Shabaab ah. Raadiyaha ku hadla afka ciidanak qalabka sida ayaa lagu sheegay in Malayshiyaadka la diley uu ka mid yahay nin horjooge u ahaa oo la yiraahdo Cismaan Ciil Fiidow.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *