Nigeria: Booliiska oo rasaas ku furay dad shacab ah oo banaanbaxayey

Published: October 21, 2020

Ciidamada Booliiska magaalada Lagos ee dalka Najeeriya ayaa xalay awood u adeegsaday kumanaan shacab ah oo mudaharaad ka waday magaalada labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Shacabka ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay waday banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan gabood-falada ay geystaan ciidamada amniga gaar ahaan ciidanka loo yaqaan (SARS).

Guddoomiyaha gobalka Lagos ayaa shalay soo rogay Bandow xiliga habeenkii ah, arrintaasi oo ay ka horyimaadeen shacabka banaanbaxayey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxo burcad ah ku dhex dhuumanayeen dadka banaanbaxa waday oo uu sheegay inay caqabad ku noqdeen isu-socodka gaadiidka iyo amniga guud ee magaaladaasi.

Ciidamada Booliiska Rabshadaha ka hortaga ayaa xalay markii laga gaaray xiligii bandowga rasaas ooda uga qaaday kumanaan dad ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Lagos.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *