Sudan iyo Israel oo ku heshiiyey inay xiriir yeeshaan

Published: October 23, 2020

Shir jaraa’iid oo lagu qabtay Xafiiska Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu shaaciyey heshiiskan dhexmaray dowladaha Sudan iyo Israel.

Dowlada Sudan ayaa waxaa cadaadis xoogan ku hayey Maraykanka, xili xukuumada cusub ee shibilka ah ee khartuum dooneysay in laga saaro liiska wadamada Argagaxisada taageera.

Go’aanka Sudan

Xukuumada Sudan ayaa sidoo kale ogolaatay inay bixiso lacag magdhaw ah oo gaareysa 335 milyan oo dollar oo lasiinayo ehelada dadkii Ameerikaanka iyo Afrikaanka ahaa ee wax ku noqday Qaraxyadii Safaaradaha Maraykanka ee Nairobi & Daaru-Salaam weerarkii dhacay 1998dii iyo waliba qaraxii lala beegsaday Markabkii militariga Maraykanka ee USS Cole oo sanadkii 2000 lagu qarxiyey dekada Cadan, Yemen.

Sudan ayaa xiligaasi lagu eedeeyey inay gabaadsiisay hogaamiyihii Al Qacida Osama Bin Ladin kahor intuusan u wareegin dhinaca dalka Afghanistan.

In dowlada Sudan laga saaro liiska wadamada Argagaxisada ayaa ah ahmiyada kowaad ee xukuumada cusub oo dooneyso inay hesho maalgelin caalami ah oo ay dib ugu soo nooleyso dhaqaalaha dalkaasi oo uu hoos u dhac weyn ku yimid.

Qorshaha Ololaha Trump

Donald Trump ayaa sheegay inay Sudan ka saarayaan listiga dalalka argagaxisada go’aankaasi oo uu isla maanta u gudbiyey Kongareeska Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isaguna ku jira ololaha doorashada ayaa arrintan doonaya inay u noqoto guul siyaasadiisa arrimaha dibada.

Trump ayaa sheegay in uu rajeenayo in wadamo kale oo badan oo carabta ah oo ay ku jirto Sacuudiga ay heshiisyadan kusoo biiraan.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo xiligan cadaadis xoogan uu ka heysto shacabkiisa oo kuwada mudaharaad ayaa bilihii lasoo dhaafay xooga saaray heshiisyada uu la galayo dalalka Carabta si uu ugu helo sumcad iyo taageero.

Heshiiskii Imaaraatiga iyo Baxreyn

Waxaa horey heshiis noocaan ah ulla saxiixday Israel dalalka Imaaraatiga iyo Baxreyn bishii September. Heshiiskaasi ayey dowlada Imaaraatiga ku heshay in Maraykanka u ogolaado iibka diyaaradaha casriga ah ee dagaalka ee F35.

Imaaraatiga iyo Israel ayaa doonaya inay iska kaashadaan qorshahooda ka dhanka ah dalka Iran oo ay u arkaan khatar kusoo wajahan.

Cambaareynta Falastiin

Dowlada Falastiin oo horey u cambaareysay heshiisyadii Imaaraatiga iyo Baxreyn ayaa kasii digtay in arrintaasi ay irida u furi doonto in dalal kale oo Carab ah heshiis la galaan Israel.

Shirkii ugu danbeeyey ee Jaamacada Carabta ayey dowlada Falastiin horgeysay mooshin ah in wadamada Carabta ay cambaareeyaan heshiisyadii Imaaraatiga iyo Baxreyn la galeen Israel, mooshinkaasi ayaa fashilay kadib markii inta badan dalalka Jaamacada Carabta diideen inay cambaareeyaan heshiisyadaasi.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *