Booliiska Holland oo xiray nin rasaas ku furay Safaarada Sacuudiga

Published: November 13, 2020

Booliiska dalka Holland ayaa la sheegay inay xalay xabsiga u taxaabeen nin lagu tuhunsan yahay weerar Khamiistii lagu qaaday Safaarada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada The Hague.

Rasaas badan ayaa subaxnimadii Khamiista lagu furay irida laga galo safaarada Sacuudiga ee ku taal bartamaha magaalada The Hague, weerarkan ayeysan cidna ku dhaawacmin.

Ciidamada Amaanka oo xiray goobtaasi ayaa baaritaan saacado badan qaatay kadib hawlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu weerarkan  geystay.

Illaa iyo hada wax faah faahin ah lagama bixin sababta weerarkan ka danbeysay iyo waliba eedaysanaha la tuhunsan yahay inuu falkan ka danbeeyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *