Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Published: November 21, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhameystiray Guddiga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu ku dhameystiray Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland oo ka kooban 8-xubnood, isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *