Koonfur-Galbeed oo xaflad Saagootin ah u qabatay RW.Rooble

Published: November 25, 2020

Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo saagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur-Galbeed.

Xafladda Madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu u qabtay Raysalwasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KG iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Raysalwasaare Rooble ayaa maamulka Koofur-Galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa kamid ah magaalooyinka loo diyaariyey inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *