Raysalwasaarihii hore ee Sudan Al-Mahdi oo u geeriyooday Covid19

Published: November 26, 2020

Raysalwasaare Saciid Al Mahdi ayaa ahaa hogaamiyihii sida xorta ah loo doortay kahor inqilaabkii militari ee uu hogaaminayey Jeneraal Cumar Al Bashiir, sanadkii 1989kii.

Al-Mahdi oo ahaa 84 sano jir ayaa la sheegay inuu u geeriyooday cudurka Covid19.

Sadexdii asbuuc ee lasoo dhaafay ayuu marxuumka jiifay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta.

Wuxuu Al-Mahdi ahaa hogaamiyaha xisbigii Umma oo ahaa xisbigii ugu weynaa ee mucaaridka ah xiligii uu dalka Sudan ka talinayey Cumar Al Bashiir.

Qoraal kasoo baxay xisbiga Umma ayaa lagu sheegay in marxuumka maalinta Jimcaha ah lagu aasi doono magaalada Omdurman ee dalka Sudan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *