Sarkaal ka tirsanaa Komandooska Maraykanka & CIA oo Soomaaliya lagu dilay!

Published: November 26, 2020

Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya xog ay ka heleen sirdoonka Maraykanka ayaa shaaciyey in mid kamid ah saraakiisha Sirdoonka ee CIA horeyna uga tirsanaa ciidamada Komaandooska Maraykanka ee loo yaqaan Seal Team 6 lagu dilay wadanka Soomaaliya.

Lama shaacin magaca sarkaalkan ama aqoonsigiisa iyo waliba qaabka loo dilay.

Kooxda Seal Team 6 looyaqaan oo ka tirsan Ciidamada badda ee Maraykanka (Navy) ayaa kamid ah komaandooska ugu tababarka adag militariga Maraykanka isla markaana loo diro hawlgalada adag ee laga fulinayo goobaha aysan Maraykanka gacanta ku hayn, sida dilkii hogaamiyihii Al Qacida, Osama Bin Ladin oo ay kooxdaasi fuliyeen.

Sida la sheegayo sarkaalkan ka tirsanaa CIA ayuu dhaawac kasoo gaaray hawlgal gudaha Soomaaliya ah, kadibna u dhintay dhaawaciisa.

Horaantii bishan November ayey kooxda Al Shabaab shaacisay inay ka hortagtay hawlgal ay wadeen ciidamada Komaandooska Maraykanka oo ay gacansiinayeen kuwa Soomaalida hawlgalkaasi oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Gendershe ee Shabeelada Hoose.

Al Shabaab ayaa xiligaasi sheegtay in qof naftiisa qarxiyey ay la beegsadeen ciidamadan oo kasoo daatay diyaaradaha helikobterka, waxayna shaaciyeen sawirada qalabkii ay halkaasi uga tageen ciidamada Maraykanka. Lama hubo inuu dagaalkaasi ahaa midka lagu dilay sarkaalkan.

Balse hawlgalkaasi oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay isku arkaan ciidamada Maraykanka iyo Al Shabaab ayeysan weli ka hadlin dowladaha Maraykanka iyo Soomaliya.

Maraykanka iyo Al Shabaab ayaa labaduba midna ka hadlin cida la filayey in hawlgalkaasi lala beegsado, waxaase xusid muddan in hawlgalada noocaas ah ay Maraykanka la beegsadaan hogaamiyayaasha sar-sare ee kooxaha ay la dagaalamayaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan ku goodiyey in ciidamada Soomaaliya, Afghanistan iyo Ciraaq ka jooga ay dib ugala soo bixi doonaan, tilaabadaasi oo qeyb ka ah hawlaha uu doonayo inuu fuliyo kahor intuusan xilka wareejin.

Ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya ayaa intooda badan ku sugan Saldhiga ay ku leeyihiin Balidoogle, halkaasi oo ay sidoo kale hawlgalaan diyaaradaha Maraykanka iyo ciidamada ay tababaraan ee Komaandooska Soomaaliya.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *