Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo (Faahfaahin)

Published: November 28, 2020

Nabadoon Nadiir Sheekh Maxamed oo kamid ahaa isimada Puntland ayaa maanta barqanimadii koox dabley ah ku dishay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafada Israac.

Kooxdii falka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana ay nabadoonka ka toogteen qaybta sare ee jirka, isagoo dhaawacii kasoo gaarayna u geeriyooday.

Dowlada Puntland ayaa tacsiyeeysay geerida nabadoonka, gaar ahaan waxaa ka tacsiyeeyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Dhabancad, allena uga baryey naxariistiisa janno.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajucuun. Allaha u nariisto Nabadoon Nadiir Sh Maxamed oo gacan ka xaq daran goor dhaweyd ku dishay Gaalkacyo.

Wasiir Dhabancad

Lama oga cidda falkan ka dambaysa, balse magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro ay mas’uuliyadooda sheegatay Kooxda Al-shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *