Ciidamada Gorgor oo la wareegay deegaanka Gendershe, Sh/Hoose

Published: December 10, 2020

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa la sheegay inay la wareegeen deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha ciidanka lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Geedi ayaa hogaamiinaya duulaanka ay saaka oo khamiis ah ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay horey gacanta ugu heysay kooxda Alshabaab.

Degaanka Gendershe ayaa ka tirsan degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato.

Deegaankaasi ayuu ahaa goobtii uu ka dhacay bilowgii bishii hore ee November  hawlgalkii lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo gacan siinayey ciidamada Danab oo doonayey inay qabtaan sarkaalka Alshabaab u qaabilsan qaraxyada oo halkaasi ku sugnaa.

Alshabaab ayaa xiligaasi weerar ismiidaamin ah ku qaaday ciidamada Maraykanka iyo kuwa Dowlada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *