Guddoomiye Mursal Oo Gaaray Baydhabo

Published: December 18, 2020

Wefdi Uu Hogaaminayo Guddomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Koonfur-galbeed.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud Kusoo dhoweeyey masuuliyiinta koonfur galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah ka qeybgalka sanadguurada labaad ee madaxweyne Laftagareen oo ku beegan 19/12/2020.

Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo, si ay uga qaybgalaan munaasabaddaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *