Talyaaniga oo deeq soo gaarsiiyey Bosaso, Puntland – VIDEO

Published: December 20, 2020

Dowlada Talyaaniga ayaa keentay magaalada Bosaaso diyaarad sida deeq gargaar oo loogu talo galay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay duufaantii Gati oo dhawaan ku dhufatay deegaanada Bari ee Puntland State.

Deeqdan oo u badan mid caafimaad ayaa la sheegay in la gaarsiin doono deegaanada Bariga Puntland ee khasaaraha kasoo gaaray duufaantii Gati iyo roobabkii dhulkaasi ka da’ay.

Dalalka Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegay inay ka jawaabi doonaan baaq loo diray oo ahaa in ay ka qeyb qaataan u gurmashada shacabka waxyeelada soo gaartay.

Dowlada Puntland oo dhulkaasi u dirtay guddi heer wasiiro ah oo soo qiimeeya khasaaraha ayaa todobaadkan shaaciyey inay bilaabi doonaan hawlo loogu gurmanayo deegaanadaasi.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *