Guddiga Doorashada Federaalka oo sheegay in dib loo dhigay Doorashada Aqalka Sare

Published: December 29, 2020

Qoraal kasoo baxay Guddiga ay dowlada Federaalka u magacowday doorashooyinka ayaa sheegay in codsi uga yimid Galmudug dib loogu dhigay xiligii la bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo xiligan ku sugan shirarka ka dhacay Garowe Puntland ayaa la sheegay inuu guddigan fadhigiisu yahay Muqdisho inay dib u dhigaan jadwalkii ay horey u shaaciyeen sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay guddigan oo u qornaa sidatan:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda  Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *