Maxkamada oo dil ku xukuntay Askari qof ku dilay Beled-Xaawo, Gedo

Published: January 4, 2021

Maxkamadda ciidamada ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Cumar Aadan Xuseen oo lagu heley in uu dilay allah u naxariistee Abuukar Saalax Xareed oo ahaa qof shacab ah, dilkaas oo ka dhacay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, taariikhdu markay ahayd shantii bishii May sanadkii hore.

Cumar Aadan waa dable ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kaas oo maxkamaddu ku heshay dambiga dilka ah.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa bilowday baaritaanka kiiskan 23 August 2020, iyadoo markii ugu horeysay dhageysiga maxkamadeyntiisa loo fadhiistay bishii October 2020.

Xeer-ilaaliye kuxigeenka maxkamamada ciidamada, Muumin Xuseen Cabdulaahi oo gacanta ku hayay gal-dacwadeedkiisa ayaa maxkamadda ka codsaday xukunka inuu noqdo dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Col.Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in askarigan lagu xukumay dil toogasho ah oo loogu qisaasayo qofkii uu dilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *