Xulafada Sacuudiga oo dib usoo celiyey xiriirkii diblumaasi ee Qatar

Published: January 6, 2021

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa sheegay in heshiis laga gaaray khilaafkii Qatar iyagoo dib usoo celinaya xiriirkii diblumaasi oo ay lalahaayeen maamulka Doxa oo ay xayiraad ku hayeen 3dii sano ee lasoo dhaafay.

Shirkii wadamada GCC ee khaliijka ee shalay ka dhacay magaalada Al- Cula ee dalka Sacuudiga ayey dhamaan wadamadaasi oo lagu daray Masar oo aan iyadu xubin ka ahayn Khaliijka kuwada saxiixdeen heshiiska dib loo soo celiyo wadashaqeynti iyo xiriirkii walaaltinimo.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Sacuudiga oo warmurtiyeedka u akhriyey saxaafada ayaan faah faahin ka bixin qodobada rasmiga ah ee lagu heshiiyey balse hadalkiisa kusoo koobay in qaabka heshiiskan uu u dhacay ay kuwada qanacsan yihiin dhamaan dalalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *