Cabdi Xaashi: Waa Nasiib-daro in Madaxweynaha & Raysalwasaaraha diidaan wadahadal iyo Heshiis

Published: January 10, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyey go’aankii uu ku dhawaaqay Raysalwasaare Rooble in la bilaabayo doorashada iyadoo aan la xalin khilaafkii ka taagnaa guddiyada Doorashada, arrimaha gobalka Gedo iyo habraaca loo marayo doorasho laysku waafaqsan yahay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor uu ka beensheegay mucaaridka iyo maamulada Puntland & Jubaland, kadib markii Qoor-Qoor uu sheegay inuu wax jawaab ah ka waayey dhinacooda.

Annaagoo Tixraacayna shirkii jaraa’iid ee ay shalay qabteen Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug, waxaanu halkan ku caddeynaynaa in haba yaraatee aysan waxba ka jirin hadalka Madaxweyne Qoor-Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garoowe ka dib ma jirto cid noola timid wax heshiis iyo wadahadal ah oo la xidhiidha arrimaha doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Gobalada Waqooyiga Soomaliya (Somaliland), ayaa lagu yiri qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sidoo kale lagu sheegay:

…Wixii ka horreeyey hadalkii Raysalwasaaraha Soomaaliya ee shalay 9 Janaury 2021, shacabka Soomaaliyeed waxay rajo weyn ka qabeen in lagu guuleysan doono talooyinkii iyo niyad wanaagii laga soojeediyey Shirkii Garoowe oo Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha aqbali doonaan ergadii loo soo diray, iyo in laysugu imaan doono shir lagu xallinayo arrimaha laysku khilaafsan yahay, laakiin waxaa ayaan daro noqotay in Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha diiddaan in la wadahadalo oo la heshiiyo oo ay qaataan go’aan sii kala qaybinaya dalka, bulshada iyo maamul gobaleedyada, laguna qabanayo doorasho aan heshiis lagu ahayn…”

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn ama aan laga qabaneyn dalka oo dhan isku mar, taasoo hadii ay dhacdo dhabar-jab ku noqonaysa midnimada dalka, wadajirka ummada iyo dib-u-dhisida dawladnimada Soomaaliya.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *