USA: Ilhan Cumar iyo Xildhibaanada Dimuqaradiga oo diyaariyey Mooshin ka dhan ah Trump

Published: January 10, 2021

Xildhibaanada Ilhan Cumar ee laga soo doorto gobalka Minnesota ayaa sheegtay inay dhameystireen mooshin xilka looga xayuubinayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo xukunka ka degaya 20ka bishan Janaayo.

Ilhaan Cumar ayaa Arbacadii lasoo dhaafay 6da Janaayo kadib weerarkii taageerayaasha Trump ku qaadeen aqalka Baarlamaanka Maraykanka, sheegtay inay qoreyso mooshin deg deg ah oo xilka looga qaadayo Trump.

Mooshinkan ayaa hada u muuqda inuu helay taageero badan oo ah xildhibaanada Golaha Wakiilada (Kongareeska Maraykanka) oo ay aqlabiyadiisa heystaan xisbiga Dimuquraadiga, xildhibaanada taageersan mooshinkan Ilhan Cumar qortay oo hada gaaraya 180 ayaa ku cadaadinaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Nancy Pelosi inay cod u qaado mooshinkan.

Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay wakhti kooban siineyso Madaxweyne kuxigeenka iyo Golaha Wasiirada inay xilka ka xayuubiyaan Trump inta wakhtiga uga hartay hadii kale uu Kongareeska Maraykanka Tilaabo qaadi doono.

Xildhibaanada Dimuquraadiga oo ay Ilhaan Cumar kamid tahay ayaa uga danleh mooshinkan in Trump xilka laga xayuubiyo kahor intaan wakhtigiisa dhamaan 20ka Janaayo, hadii ay taasi ku guuleystaan Trump ayaan loo ogolaan doonin inuu markale isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha.

Trump ayaa horey u sheegay inuu daneenayo inuu markale xilka usoo tartamo doorashada sanadka 2024.

Madaxweynaha xilkiisa 10 maalmood uga haray ayaa xalay bilaabay inuu diyaarsado Qareenadii difaaci lahaa hadii lagu soo oogo mooshinka laga diyaarinayo Golaha Wakiilada.

Fariin qoraal ah oo ay xalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nancy Pelosi u dirtay xildhibaanada ayey uga codsatay xildhibaanada inay diyaar u noqdaan inay kalfadhi deg deg ah isugu imaan karaan asbuucan.

Dimuquraadiga oo hada heysta Aqlabiyada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka dhabeyn kara arrintan walow Madaxweynaha la doortay Joe Biden la sheegay inuusan taageersaneyn in Trump sidaa loola dhaqmo xili uu doonayo inuu sameeyo dib-u-heshiisiin waa sida ay sheegeen xubnaha ku dhaw dhaw.

Wararka kasoo baxay Washington DC ayaa sheegaya in todobaadka laga yaabo in Kongareeska markii labaad mooshin xil ka qaadista Trump uu codka u qaado, taasi oo ka dhigeysa Donald Trump Madaxweynihii ugu horeeyey ee soomarra Maraykanka oo laba goor laga keeno mooshin noocaan ah.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *