Al Shabaab oo dhaq dhaqaaq ka wada Koonfurta Mudug iyo Galgaduud

Published: January 15, 2021

Kooxda Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada gobalka Galgaduud iyagoo la sheegay inay la wareegeen deegaano ku dhaw caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay xalay weerar ku qaadeen deegaanka Ceel Dheere oo 30km koonfurta uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kooxdan ayaa sidoo kale xalay kala jaray isu-socodka wadada u dhaxeya Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku sugan koonfurta Mudug ayaa la sheegay inay dhaq dhaqaaq ka wadaan deegaanka Wisil iyagoo la wareegay tuulooyinka hoos yimaada magaaladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *