Guddigi xaqiiqo raadinta khilafka Soomaaliya iyo Kenya oo soo gebagebeeyey kulamdoodi.

Published: January 19, 2021

Shirkii u danbeeyey ee urur goboleedka IGAD ku yeeshaan dalka Jabuuti ee Soomaaliya cabashada ka gudbisey dalka Kenya ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa kamid ahaa in guddi xaqiiqo raadin ah IGAD u saarto xasaradda labada dal, si loo ogaado cabashada iyo dacwadda Soomaaliya ee ku aadan in Kenya ku xadgusubtey madaxbanaanida Soomaaliya oo faro gelisey siyaasadda dalka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magacaabey guddi xaqiiqo-raadin ku saabsan waxyaabaha ay isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Yaasiin Cilmi Buux oo ah safiirka Jabuuti u fadhiya Kenya oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in labada dhinac ay la kulmeen isla markaana ay warbixintooda u gudbiyeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo loo xil saaray xaqiiqo raadinta ku aadan khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Guddiyadii waxay tageen labada dal, Muqdisho ayay ku horreyeen waraysiyo ayeyna la yeesheen dadka ay khuseyso,kadibna Kenya ayey tageen oo ay la kulmeen madax kalageddisan oo arrimahan khuseeyaan ayuu yiri Yaasiin Buux.”

Soomaaliya ayaa xiriirka Diblomaasiyadeed u jartey dalka Kenya, kadib markii ay ku eedeysey in jamhad hubeysan ay dooneyso in ay dalka ku khalkhal geliso, isla amrkaana ay faraha kula jirto arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa weli taagan dacwadda Badda ee Soomaaliya oo Kenya ay ku deeysan tahay in ay cabbiratey oo gudaha u soo gashey xuduudka Soomaaliya ee biyaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *