Joe Biden oo maanta loo dhaarinayo Madaxweynihii 46aad ee Maraykanka

Published: January 20, 2021

Maanta oo arbaca ah waxaa xilka loo dhaarinayaa afarta sano ee soo socota Joseph Biden oo ku guuleystey doorashadii dhacdey Nofeember 2020, taas oo ka dhigtey Donald Trump Madaxweyne hal xilli oo keliya ka taliya Maraykanka.

Xafladda caleema saarka iyo dhaarinta maanata ka dhacaysa Maraykanka ayaa ka duwanaan jirtey dalal badan oo caalamka ah, marka la eego in ay ka soo qaybgalaan xiddiga caanka ah oo heeso ka qaada, Madaxweynayaashii hore oo ka soo qaybgala, Madaxweynaha xilka ka degaya oo jeediya khudbadiisi maca salaameynta, kuna wareejiya Madaxweynaha cusub furaha Nukliyeerka iyo boqolaal kun oo qof oo isugu soo baxa goobta caleema saarka, taas sanadka waa ka duwan tahay.

Madaxweynaha xilka ka degaya Donald Trump ilaa hadda maba qiran in laga guuleystey, waxaana uu diidey in uu hambalyo u diro ninka ka guuleystey ee Biden, kama qaybgalaayo xafladda caleema saarka oo durba waa ka guurey Aqalka Cad waxaana tegaya gobolka Florida. Dalka waxaa ka jira cudurka safmareenka ah ee COVID-19 oo isuma imaan karaan dadkii aadka u badnaa, waxa taas dheer maanta Washington waxay u egtahay goob dagaal, waxaana ilaalinaya amniga Ciidanka Qaranka oo gaaraya 15 kun oo askeri, waxaana laga cabsi qabaa in taageerayaasha Trump oo hubeysan ay soo weeraraan xafladda ama ay sameeyaan weeraro argixisnimo.

Madaxeyne ku-xigeenkii hore Mike Pance ayaa sheegay in uu ka qaybgalayo xafladda caleema saarka ee Joe Biden.

Xafladda caleema saarka ayaa ah mid taariikhi ah waxaana markii u horeysey xilka loo dhaarin doonaa Madaxweyne ku-xigeenkii u horeeyey oo Haween ah kamala Harris.

Joe Biden iyo Kamala Harris waxaa horyaala shaqo aad u culus oo ay ugu horreyso, sidii loo xakamayn lahaa safmareenka COVID-19, sidii dib loogu soo celin lahaa wejiga Maraykanka ee caalamka loona hagaajin lahaa xiriirka iyo diblomaasiyadda Maraykanka ee afartii sano ee la soo dhaafey xumaatey, kabidda dadka dbhibatadu ka soo gaartey cudurka safmareenka, dib u habeynta dhaqaalaha dalka, dib ugu noqoshada heshiisyadii caalamiga ahaa ee Trump ka baxay iyo arrimo kale oo badan.

Joe Biden waa ruug cadda leh khibrad dheer oo siyaasadeed waxaana uu 30 sano ka soo shaqeeyey Washington isaga oo ahaa Senator iyo Madaxweyne ku-xigeen 8 sano ah, waxaase la tilmaama in da’diisu weyn tahay’ xusuustiisuna aysan wanaagsaneyn.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *