Muqdisho: Dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan!

Published: January 21, 2021

Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) Guddoomiyihii degmada Hodan oo dib uga soo noqday dalka Turkiga oo uu ugu maqnaa safar caafimaad ayaa ku dhintay israsaaseyn xalay 2dii habeenimo ka dhacday nawaaxiga Isgoyska Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowlada ee ku sugan wadadaas ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen gaariga uu saarnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qaar kamid ah illaalada la socday Guddoomiyaha la dilay.

Allaha u naxariistee Guddoomiye Dhagajuun ayaa muddooyinkii danbe ku maqnaa dalka Turkiga halkaasi oo lagu dabiibayey dhaawacyo kasoo gaaray qarax lala beegsaday, wuxuuna dilkiisa dhacay saacado kadib markii uu dib ugu soo noqday caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Banadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish oo saaka war kasoo saaray dhacdadan ayaa ka tacsiyeeyay dilka marxuumka isagoo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono waxa sababay israsaaseynta dhexmartay ciidamada dowlada iyo illaalada marxuumka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *