UK: Nooca cusub ee Corona-Virus wuu ka khatar baddan yahay kii hore!

Published: January 23, 2021

Dowlada UK ayaa sheegtay in nooca cusub ee cudurka Covid19 ee dalkaasi ku faafayey bilihii lasoo dhaafay inuu ka halis baddan yahay noocii hore, noocan cusub ayaa la sheegay in dadka u dhimanaya ay ka baddan yihiin kuwii hore.

Noocan cusub ee Coronavirus oo lagu arkay dalalka UK iyo Koonfur Afrika ayaa horey loo ogaa inuu ahaa mid si fudud u faafa marka loo eego noocii hore, balse xogta hada soo baxeysa ayaa sheegaysa in sidoo kale uu ka khatar badan yahay kii hore iyadoo dadka u dhimanaya noocan cusub ay ka baddan yihii kuwii hore.

“…Tusaale ahaan hadii noocii hore 1000 qof uu ku dhaco, waxaa u dhiman jiray 10 qof, balse noocan cusub hadii uu ku dhaco 1000 qof waxaa u dhimanaya 13 illaa 14 qof, taasi oo muujineysa ina kan cusub uu ka khasaaro badan yahay dhinaca dadka u dhimanaya…” ayuu yiri Patrick Vallance Lataliyaha caafimaadka ee Raysalwasaaraha UK.

Boris Johnson Raysalwasaaraha UK ayaa isaguna sheegay in xogtan cusub ay muujineyso in culeys horleh cudurkan ku keenayo isbitaalada wadankaasi oo hada buuxa isagoo sheegay in ay doonayaan in dar-dar la geliyo talaalka cudurkan looga hortagayo si culeyska looga qaado xarumaha caafimaadka iyo waliba shacabka wadankaasi oo horey bandow loogu soo rogay.

Qaar kale oo kamid ah wadamada Midowga Yurub ayaa todobaadkan galaya bandow sida wadanka Holland oo caawa wixii laga bilaabo 9ka fiidnimo shacabka guryahooda aysan kasoo bixi karin illaa 4:30 subaxnimo, sidoo kale dalalka Belguim iyo Germany ayaa soo rogay xayiraada socdaalka iyo dhaq dhaqaaqa shacabkooda.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *