Maraykanka oo xayiraad dhaqaale saaray Militariga Myanmar

Published: February 12, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa cunaqabateyntii ugu horeysay kusoo rogtay Taliska Militariga wadanka Myanmar oo xukunka ku qabsaday afgembiga xukuumadii la doortay.

Cunaqabateyntan ayaa ka horjoogsaneysa Taliska Militariga Myanmar inay gacanta ku dhigaan lacag ka badan 1 bilyan oo dollar oo dibada u taal dalkaasi.

Balse shacabka Myanmar oo maalmihii lasoo dhaafay waday banaanbax ay uga soo horjeedaan militariga xukunka boobay, ayaa sheegay in cunaqabateyntan ay tahay mid fudud isla markaana laga doonayo Beesha Caalamka inay cadaadis xoogleh saarto hogaamiyayaasha militariga dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *