Cudurka Ebola oo ka dilaacay wadanka Guinea

Published: February 15, 2021

Dowlada Guinea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurkan halista ah ka dilaacay dalkaasi kadib markii la helay 7 qof oo uu cudurkan ku dhacay, halka 3 qof la sheegay inay cudurkaasi u dhinteen.

Wasaarada Caafimaadka ayaa Axadii shalay war ay soo saartay ku sheegtay in dhamaan dadka la tuhunsan yahay inuu cudurkan ku dhacay ay ku sugnaayeen magaalada Goueke, isla markaana goob gaar ah lagu karantiilay.

Astaamaha cudurkan oo ah matag, fuuqbax iyo dhiig-bax ayaa laga helay dad la sheegay inay ka qeyb galeen aaska mid kamid ah dadka la rumeysan yahay inuu cudurkaasi u dhintay.

Cudurkan Ebola oo si fudud u faafa ayaa kamid ah cudurada ugu halista badan ee loo dhinto, wuxuuna horey sidan uga dilaacay dalka Guinea sanadadii 2013-2016 xiligaasi oo uu kusii faafay wadamada kale ee Galbeedka Afrika gaar ahaan Liberia iyo Sierra Leone, waxaana xiligaasi u dhintay cudurkan dad gaaraya 11,300 qof.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *