Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada X.F.S oo hakisay Xaadirinta Shaqaalaheeda

Published: February 17, 2021

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa  hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda cudurka Covid-19.

Qoraalkan ay soo saartay Wasaaradda, ayaa waxaa la faray dhamaan Hay’adah dowladda & Shaqaalaha rayidka in ay yareeyaan isku imaatinkooda ayna ku Shaqeeyaan Guryahooda, iyaga oo adeegsanaya Barahooda Internet-ka, balse hawl wadeenada aan laga maarmin  ay yimaadaan xarumaha Shaqada.

Dhamaan Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray lix qodob oo looga hortagayo faafitanka Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo kala ah.

1: in ay ka fogaadaan salaamida gacan-qaadka ah kuna ekaadaan salaanta Islaamka.

2: In ay xirtan Afxirka Maska.

3: In hadii ay heli karaan ay gashadaan Glovis-ka Gacmaha.

4: in ay isticmaalaan dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo ama Saabuun

5: In ay gacmahooda ka ilaaliyaan, indhaah, sanka iyo Afka inta karaankooda ah.

6: In qofkii isku arka calaamadaha Coronavirus in uu la xiriiro Goobaha caafimaad kana ilaaliyo Bulshada inteeda kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *