Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Xiisada Ka Taagan Muqdisho

Published: February 19, 2021

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan tahay xaaladda kasoo cusboonaatay dalka, gaar ahaan dagaalkii xalay dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa musharxiinta madaxweynaha.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo isku dhacyada ka socda Muqdisho ee saacaddihii lasoo dhaafay ka dhashay ishoristaag lagu sameeyay shacabka banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho ee kasoo horjeeday dowladdii waqtigeedu dhamaaday.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar”

Qaramada Midoobay

Ciidanka dowladda ayaa horay waxaa ay u xireen qaar ka mid ah waddooyinka muqdisho, iyadoo tallada daljirka daahsoon oo loogu ballansanaa in maanta uu bannaanbaxu ka dhaco ay joogaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *