Midowga Yurub oo arrimaha Soomaaliya kala hadlay Madaxweynaha Puntland – VIDEO

Published: February 22, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Wafdigan ayey ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Walow aan la faah faahin qodobada shirkaasi kasoo baxay, ayey hadana illaha ku dhaw Madaxtooyada Puntland ay sheegayaan in dhankooda u gudbiyeen Midowga Yurub caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Xukuumada Federaalka ee xiligeedii dhamaaday.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo xalay soo jeediyey khudbad xasaasi ah oo dhinacyo badan taabaneysa ayaa sheegay inuusan tagi doonin shir aan looga hadleyn danaha Puntland, isagoona ka digay qorshaha uu sheegay inay wado Villa Soomaaliya oo lagu burburinayo nidaamka Federaalka iyo dowlada Dastuurka ku dhisan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *