Biden oo qaaday Xayiraadii Trump saaray dadka codsanaya Degenaanshaha Maraykanka

Published: February 25, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dikareeto ku laalay Xayiraadii Madaxweynihii ka horeeyey Donald Trump uu saaray dadka codsanaya degenaansha wadanka Maraykanka ee loo yaqaan (Green Card).

Xukuumadii hore ayaa joojisay bixinta Green Card iyagoo sheegay inay xakameenayaan dadka cusub ee doonaya wadankaasi inay degaan oo ka shaqeeyaan, Trump ayaa xayiradaasi ku sheegay mid uu ku difaacayo shaqada ay heystaan dadka u dhashay Maraykanka.

Joe Biden ayaa sheegay in xayiraadan ay caqabad ku ahayd dadka doonaya in sida sharciga ah kusoo galaan oo ku degaan wadanka Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *