Muqdisho: Dowlada Federaalka Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Shiraya

Published: February 25, 2021

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya 2021 ayaa hadda shir uga furmay hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa hogaaminaya madaxweynayaashii hore Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Sheekh, waxaana looga hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda amniga dalka, gaar ahaan rabshadihii jimcihii hore ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale shirka waxaa kasoo galay qaar kamid ah madaxda dowlada goboleedyada sida madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, Axmed Qoor-qoor iyo Cali Guudlaawe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *