Madaxweyne Deni Oo Ka Degay Boosaaso – SAWIRO

Published: March 5, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta kasoo ambabaxay caasimada Puntland ee Garoowe ayaa hadda soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in safarka madaxweynuhu yahay mid shaqo oo la xiriira u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Bari.

Safarka uu madaxweyne Deni ku tagay Boosaaso, wuxuu kusoo beegmayaa kadib markii xalay weerar lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *