Cumar Filish: ” Cidii Diida Tallooyinka Ka Hortagga COVID-19 Waa La Ganaaxayaa”

Published: March 8, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay inay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ka dhanka ah Covid-19 ee ay soo saartay wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

” Waxaan rabnaa inaan cod dheer ugu sheegno bulshada, culimada Masaajidka ay ku tukato meeqa qof ayaa maalintii janaaso lagu tukadaa, awalse meeqaa lagu tukan jirey, mar haddii ay sidaas u muuqato, waxaa la rabaa inay dadaalada iyo tallooyinka qaataan, haddii ay dadka soo taagan yihiin oo diidan yihiin waxaa imaanaysa in la ciqaabo”

Guddoomiye Cumar Filish

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay hadda dhalinyarada u geeriyoonayaan cudurka Covid19, ayna aaminsan tahay in Soomaaliya uu soo galay nuuca halista badan ee Coronavirus.

“Weli sheybaar laguma xaqiijin in nuucii halista badnaa uu yahay midka hadda ku faafaya Soomaaliya, balse dhaqaatiirta iyo culuumta ku taqsusay shaki ugama jiro inuu yahay mid cusub oo ka duwan midkii hore,”

Wasiir Fowsiya Abiikar

Sidoo kale shirka jaraa’id Wasiir Gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in hal Milyan oo Af-xir {Face Mask} loo qeybin doono shacabka gobolka Banaadir.

Ugu dambayn wasiirada warfaafinta iyo diinta iyo awqaafta ayaa faray Masaajidada iyo goobaha cibaadada in loo hogaansamo talooyinka looga hortagayo Covid-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *