Khasaaraha Qaraxii Kaydka hubka ee dowlada Equatorial Guinea

Published: March 8, 2021

In ka badan 20 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qaraxii Axadii shalay ka dhacay saldhiga Militari ee ku yaal maagalada Batta ee dalka Equatorial Guinea.

600 qof oo kale ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen qaraxan weyn oo ka dhashay mid kamid ah bakhaarada ay waxyaabaha qarxa ku kaydsan jireen militariga dalkaasi.

Madaxweyne Teodoro Obiang  oo ka hadlay qaabka qaraxan u dhacay, ayaa sheegay in ay ku timid nidaam xumo ka jirtay xaruntaasi hubka lagu kaydin jiray.

Dowlada ayaa Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika ka codsatay in gargaar lala soo gaaro.

Dadka dhibaatada ugu weyn uu qaraxan kasoo gaaray ayaa waxaa kamid ah qoysaska askarta xeradaasi ku noolaa, waxaa sidoo kale la sheegay inuu soo dumay xabsi ku dhexyaalay xeradaasi militariga iyagoo ay weli ku hoos jiraan qaar kamid ah maxaabiistii.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *