Galmudug oo la gaarsiiyay Talaalka Covid 19

Published: March 25, 2021

Maamulka Galmudug ayaa maanta la wareegay Tallaalka cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo dhawaan lasoo gaarsiiyay dalka.

Diyaarad siday talaalkan oo gaaraya 25-kun oo Doos oo ah nooca talaalka COVAX ayaa laga dajiyay garoomada diyaaradaha magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka Diyaarada Dhuusomareeb kula wareegay talaalkan ka hortagga safmarka Covid19 oo ah wejiga koowaad oo ay ka faa’iideysan doonaan dad gaaraya 25-kun oo qof.

Talaalkan la gaarsiiyay Galmudug ayaa kamid ah tallaal loogu deeqay Soomaaliya oo wadar ahaan dhan Hal Milyan Iyo Laba boqol oo kun.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *