Wafdi Ka Socda Zambia Oo Gaaray Somaliland

Published: April 5, 2021

Wafdi ka socda dowladda Zambia oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Zambia Gavin Lubinda ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wafdiga oo isugu jirey wasiiro iyo la taliyayaal ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kusoo dhaweeyay wasiir ku-xigeenka ahna ku simaha Wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wafdigan ayaa kulamo la qaadan doona sida uu qorshahu yahay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *