Israel oo weerartay Markab Iran leedahay oo marayey Badda Cas

Published: April 7, 2021

Markabka ‘Iran Saviz’ oo marayey badda cas ayaa salaasadii shalay lala beegsaday qarax loo adeegsaday miinada-badda ee loo yaqaan (limpet mines).

Qaar kamid ah warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in Israel u sheegtay Maraykanka inay iyadu ka danbeysay weerarkan oo ahaa mid aargudasho ah oo looga jawaabayey weeraro horey loola beegsaday Maraakiib laga leeyahay Israel, sida ay sheegtay jariirada New York Times.

Markabkan ‘Iran Saviz’ ayaa sanado badan ku sugnaa badda Cas gaar ahaan nawaaxiga xeebta Eritrea, waxaana saaran komaadooska ciidamada Iran kuwaasi oo hawshooda ah inay difaacaan maraakiibta Iran laga leeyahay ee mara badda Cas hadii weerar uga yimaado burcadbadeeda.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay shalay xili wadahadal magaalada Vienna uga furmay dowladaha Maraykanka iyo Iran.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *