Muqdisho: Omaar oo Diiday Wasaaradii Loo Bedelay

Published: April 12, 2021

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo hore u ahaa wasiirkii gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa ka cudur daartay inuu la wareego wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo shalay loo magacaabay.

Sababta uu ku diiday inuu qabto xilka cusub ayuu ku sheegay in wasaaraddu ay tahay mid aad muhim u ah oo u baahan Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda .

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.” ayuu yiri Wasiir Oomaar

Wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid shakhsi ah, islamarkaana uu mar walba garab taagan yahay madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Raisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay u magacaabay Wasiir Omaar Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada isagoo ka wareejiyay wasaaradii Gadiidka iyo duulista hawada oo uu hayay muddo 4 sanno ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *