Ciidamo iskudhaf ah oo Howlgal lagu xaqiijinayo Amaanka kawada Gaalkacyo-SAWIRO

Published: April 18, 2021

Ciidamada Booliiska Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ka fuliyay Howlgal wadajir ah oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayay Ciidamadu ka fuliiyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen saraakiisha hogaaminaysay howlgalka.

Ciidamada Booliiska ee iskudhafka ah ayaa Bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka si looga hortago falalka liddiga ku ah amaanka.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xili mudooyinkii dambe magaalada Gaalkacyo ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka haldoorka u ah Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *