Kinshasa: Farmaajo oo dalbadey in shisheeye soo farogeliyo xaaladda Soomaaliya

Published: April 19, 2021

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee weli xafiiska jooga, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay gaarey magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kongo (ex-Zaire).

Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatey Madaxweynaha DR Kongo Félix-Antoine Tshisekedi , kulanka oo ah mid gaar ah oo qaatey muddo laba saacadood ah, ayaa si weyn looga hadley Xaaladda Soomaaliya, maadama Madaxwenaha Dr Kongo hadda uu yahay Madaxweynaha Midowga Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada DR Kongo ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Félix-Antoine Tshisekedi uu soo dhaweeyey ujeedka iyo dalabka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah in uu soo dhex galo xaaladda Soomaaliya isaga oo isticmaalaya awoodisa Midowga Afrika, xaaladda Soomaaliya waa mushkilad Afrikaan ayaa lagu yiri warka waana in Afrika ay xalisataa mushkiladaheeda.

Warka ka soo abxasy Madaxtooyada Dr Congo ayaa lagu yiri Tshisekedi wuxuu soo dhoweeyay habka uu u wajahayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed ee ah in uu albaabada u furo AU iyo inuu la xiriiro dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo cadaalad waarta.

Farmaajo ayaa si weyn ugu doodi jirey in xaaladda Soomaaliya aysan shisheeye soo fara gashan karin, waxaaana hadda muuqata in uu dalab toos ah u geeyey Midowga Afrika oo ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya isla markaana ilaaliya halbowlayaasha Dowladdau ku taagan tahay.

Waxaa la is weydiinayaa sida Madaxweyne Tshisekedi uga qaybqaadan karo arrimahan, ma shir Soomaaliyeed ayaa Kinshasa laga furayaa oo waxaa halkaas ka soo bixi doona wax u eg kampala Accord uu ku bixi jirey Farmaajo 2011, mise si kale ayuu u wajahayaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. MW XASAN SHIIKH BAA HORE U YIRI.
    1. VILLA SOMALI WAA LAGA SOO GUURAY.
    2. TEENDHADA AFISYOONI YAAN LA DHAAFSIIN OO DIBAD LAGA RAADIN XALKA SOMALIA.
    3. MAANTA MW FARMAAJO SIDII BAA DHACDAY OO WUXUU WAX KA RAADIYEY CONGO.

    * HADDABA WAA NASIIBDARO ARRINTII AAD DADKA KU EEDEYNEYSAY FARMAAJO SAFAR U GALO.
    XALKA KALIYA EE II MUUQDA WAA INUU ISCASILAA HADDII INABA DAMIIR KU JIRO.