Soomaaliya: Kiisaskii Ugu Dambeeyey Ee COVID-19

Published: April 19, 2021
Healthcare cure concept with a hand in blue medical gloves holding Coronavirus, Covid 19 virus, vaccine vial

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 242 kiis oo cusub oo ah COVID19 48kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 13,079 kiis.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Somaliland 111 qof, Puntland 75 qof, Koonfur Galbeed 16 qof, Hirshabeelle 12 qof, Galmudug 11 qof, Jubaland 10 qof iyo Muqdisho 7 qof.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay cudur ka bogsadeen 67 qof taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaysa 5,411.

Bukaannada cusub 127 waa rag. 115-na waa dumar, Waxaana 48-kii saac ee ugu dambeeyay Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19, 14 qof, laba kamid ah joogaan Muqdisho, Somalilandna 10 halka 2da kalena joogaan Galmudug., waxaana ay gaartay dhimashada guud 668.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *