Go’aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya.

Published: April 22, 2021

Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saartey mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan xaaladda dalka ee doorashooyinka, muddo kororsiga, waxaana ay ka digtey caqaaqib xumo. War murtiyeedkaani wuxuu ku soo aadayaa saacado ka hor shirka Midowga Afrika u ballan san yahay maanta in ay ka yeeshaan xaaladda dalka.

April 22, 2021- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay mabaadiida dowladnimada Puntland si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo kan Dowladda Federaalka ah ee Puntland xubinta ka tahay. Dowladda Puntland sidoo kale illaalisaa masiirka geeddi socodka dhismaha Soomaaliya ee ku dhisan haanka federaalka ah, dimuqraadina ah.

Kadib tillaabadii sharki darrada ahayd ee qeyb kamid ah Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday 26 December 2020 ku dhawaaqeen 12 April 2021 ee ay muddo kororsiga ugu sameeyeen hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Golayaasha Puntland waxay wadatashi ka yeesheen xaaladda cakiran ee kala guurka ah ee uu Dalku marayo. Sidoo kale Dowladda Puntland waxay wadatashi la yeelatay Uruurada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland.

Ka dib markii la tixgaliyey go’aankii Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee soo baxay 17 April 2021.

Ka dib markii la arkay Xeerka tirsiglisu 10 ee soo baxay 30 July 2000 ee ilaalinaya doorka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowladda Puntland iyadoo tixgelinaysa talooyinka hay’adaha Dowladda Puntland iyo qaybaha bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadda, xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, qaadatay go’aanada soo socda:

  1. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ma aqoonsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedkoodii ku meel mariyeen waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaankaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo la xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda.
  3. Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Saxiixayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamileyda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo.
  4. Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 March 2020, Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaagi doontaa tillaabada ku haboon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dowladnimo dhiska Soomaaliya iyo danaha gaar ahaaneed ee Dowladda iyo Shacabka Puntland.
  5. Dowladda Puntland waxay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wadajirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda.
  6. Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda dastuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowladda Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland.
  7. Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya.

DHAMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *