Madasha Badbaado Qaran oo soo dhaweysay Go’aankii kasoo baxay Golaha Amniga AU

Published: April 24, 2021

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madashada Badbaado Qaran ee ay ku midoobeen Midowga Musharixiinta ,Madaxda Puntland, Jubaland iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika kaasoo lagu cambaareeyay Muddo kororsigii loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Madasha ayaa ku celisay wadada kaliya ee furan xiligan in ay tahay dib u bilaabidda wadahadalkii Doorashada iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii 17-ka Semptember laga gaaray khilaafka Doorashada.

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa maalin ka hor soo saaray war Murtiyeed lagu canbaareeyey muddo kororsigii ay sameysteen Golaha Shacabka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *