Mashruuc lagu Naleynayo Wadooyinka oo laga Daahfuray Boosaaso-SAWIRO

Published: April 24, 2021

Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso ayaa daahfurtay Mashruuc wadooyinka waa weyn ee magaalada lagu xirayo leyrarka ku shaqeeya cadceedda.

Mashruucan oo halku dhig looga dhigay “Naleynta iyo Bilicda Wadooyinka Waa weyn” ayaa ujeedkiisu yahay sidii loosoo celin lahaa bilicda wadooyinka magaalada waxaana howshan Dowladda Hoose ee Boosaaso ay u xilsaartay Shirkadda Korontada ENEE oo kamid ah shirkada bixiya Adeegyada Korontada.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deero-dile) oo ka hadlay Mashruucan ayaa sheegay in uu wax badan ka badali doono bilicda magaalada Boosaaso.

Duqa ayaa sheegay in Wajiga Koowaad ee mashruucan lagu bilaabay Xabsiga weyn iyo Wadooyin ay kamid yihiin wadada aadda Garoonka Diyaaradaha kuwaasoo uu tilmaamay in lagu xiray ilaa Boqol kamid ah Baalayaasha Nalalka ee ku shaqeeya cadceedda.

Bulshada magaalada Boosaaso ayuu ugu baaqay in ay Maamulka dowladda Hoose kala shaqeeyaan sidii horumarin loogu sameyn lahaa magaalada Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. adeer abuura dhiir abaara lugu baxsado war canjeelkkii meeh war dargii iyo berdihi meeh war timirtii meeday qader casimadeeda waxaa la yiraada dooxa mindh hal malyaan gedaoo timira laguu abuuray masawirka dhiirtaas waan kuu ssoodirin