Xasan Sheekh “Ciidamo ka amar qaata Farmaajo ayaa weerar kusoo qaaday Hoygeyga

Published: April 25, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal uu ku shaaciyay in Ciidamado ka amar qaata Madaxweynaha mudada kordhistay ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay weerar ku qaadeen hoygiisa.

Xasan Sheekha ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay weerarada siyaasiyiinta ka aragtida duwan arintaas oo uu tilmaamay in ay leedahay khatar ku aadan in la siyaasadeeyo amaanka ,dano gaar ahna loo isticmaalo ciidanka.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga, waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka, mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuuud.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xili maanta qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen Ciidamo kasoo horjeeda muddo kordhinta Hay’adaha dowladda Federaalka iyo Ciidamo Booliis iyo kuwo kale oo si gaar ah u tababaran,

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *