Wasiir Xundubey: “Waxaan cabsi ka qabnaa Abaabulka Ciidan ee Muqdisho ka socda

Published: April 27, 2021

Shir jiraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay wasiirka Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa waxa uu uga hadlay Xiisadda dagaal ee kusoo korortay magaalada Muqdisho iyo dagaalka dhexmaray Ciidamada dowladda ee iska soo horjeeda.

Xundubey ayaa sheegay marka hore in wax laga xumaado ay tahay dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho ee saameysay in ay dadku soo foodsaarto walwal xili xaafadaha qaar ay dadku bilaabeen in ay barakacaan.

Waxa uu sheegay in ay cabsi ka qabaan abaabul Ciidan oo u sheegay in uu ka socdo qeybo badan oo kamid ah Muqdisho taasoo uu xusay in ay fursad u tahay kooxaha Argagaxisada oo laga yaabo in ay ka faaideystaan qalalaasaha taagan.

Wasiir Xundubey ayaa ku andacooday in dowladda ay awood buuxda u leedahay iska caabinta weerar kasta oo uga yimaada dhinacyada kasoo horjeeda hase ahaatee ay diidan yihiin in ay ku dul dagaalamaan dadka shacabka ah oo ay u turayaan.

Hadalka wasiirka ayaa dibada u soo saaraya walaaca qarsoon ee dowladda muddada kororsatay ka qabto ciidamada kasoo horjeeda ee diidan go’aanka muddo kordhinta Farmaajo, waxaana dadka ka faallooda arimaha ciidanka ay cabirayaan in dowladda ay ku fashilantay dajinta siyaasad lagu qanciyo ciidanka kaso horjeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *