Rooble: “Waxaan rajeynayaa howsha doorashada inaan u maareeyo sida ugu wanaagsan.

Published: May 1, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jiraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay talaabadii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ugu soo wareejiyay qorshaha hogaaminta arimaha doorashooyinka.

Rooble ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada wakhtigu ka dhamaaday Golaha shacabka go’aankii ay ku aqbaleen soojeedinta Farmaajo ee ah in dib loogu laabto hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17-kii September isagoo sheegay howsha loo xilsaaray uu u maareyn doono sida ugu waanagsan.

Anigoo rajeynaya in aan ku guuleysto howshaas iyo masuuliyadeeda muhiimadda u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan haduu Alle idmo, Baarlamaanka waxaan uga mahadcelinaa sida ay u tixgaliyeen duruufaha adag ee dalku marayo una ogolaadeen in dib loogu laabto hanaankii doorashada ee 17-ka September”.

Waxaan rabaa in aan halkan uga cadeeyo shacabka Soomaaliyeed ,dowlad goboleedyada ,siyaasiyiinta iyo dhamaan daneeyaasha siyaasadda dalka in ay naga go’aanka tahay dalka inay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran iyadoo aan cidna xaqeeda la duudsiinayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Rooble.

Dhanka kalena Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay ciidamada ka gadooday go’aankii muddo kororsiga in ay ku laabtaan xeryahooda isagoona intaa ku daray hadalkiisa in uu magacaabayo guddi kasoo talabixiya saameynta Ciidanka ay ku yeesheen arimaha siyaasadda.

Mar hadii xal laga gaaray arimihii xasaradaha abuuray waxaan ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan in ay nabadda nagala shaqeeyaan ,Ciidamada waxaan farayaa in ay dib ugu laabtaan xeryahooda ,si loo xaliyo arimihii siyaasadda ee saameyntaa ay ku yeesheen Ciidanka waxaan magacaabayaa guddi farsamo oo arintaasi kasoo talabixiya”.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaba gabadii sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu u dhigi doono gogol lagu dhameystirayo heshiiska arimaha doorashada isla markaana ku casuumi doono madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyadoo la waafajinayo is afgaradkii 17-ka September iyo kii 16-kii Febraayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment