Maxay kawada hadleen Shariif Sheekh Axmed iyo RW Rooble

Published: May 2, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta.

Rooble iyo Shariif ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arimaha Doorashooyinka iyo amniga.

Si gaar ah labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka dhinaca doorashooyinka kaasoo saameeyay xasilinoonida magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidii ay musharixiinta kalsooni ugu muujin lahaayeen hogaaminta Rooble ee arimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin ka hor lagu wareejiyay howlaha amniga iyo hogaaminta arimaha doorashooyinka dalka isagoo tilmaamay in uu howshaas u maareyn doono sida ugu macquulsan ee loogu kalsoonaan karo in uu dhexdhexaad u noqdo musharixiinta ku tartami doona Doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *