Taliye Ku-xigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Oo Geeriyooday

Published: May 15, 2021

Taliye ku-xigeenkii qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qaraxii dhawaan lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Taliye Axmed Wehliye ayaa maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, balse Caawa ayaa la xaqiijiyay inuu Taliye ku-xigeenka u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Geerida Axmed Cabdi Wehliye ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Arfax iyo Mas’uuliyiin kale.

Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Saldhiga Booliska Waaberi ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Booliska degmadaas Axmed Cabdullaahi Baashane, Taliye ku-xigeenkii qeybta weliyow Cadde G/Dhexe Cabdi Baasid Maxamuud, Askar Boolis iyo dad shacab ahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *