Shirkii Teendhada Afisyooni Oo Maalinkii 2aad Soo Dhamaaday

Published: May 23, 2021

Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka oo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii September ayaa Maanta waxaa ay Madaxda uga doodeen qodobada u baahan in xal laga gaaro ee khilaafka uu ka jiro, si loo qabto doorasho xor oo heshiis lagu wada yahay.

Afhayeenka Dowlada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in shirka Madaxda uu maalintii labaad kusoo idlaaday si habsami leh, wuuna tilmaamay inuu sii socon doono Shirka, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kasoo bixi karta.

Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *